Skip links
Group Photo

Shirka dib u eegista Mashruuca Horumarinta Degmooyinka ee JPLG

Garowe: 28 – 29 June 2022: Gudoomiyaha Ururka Dowladaha Hoose ee Puntland Ahna Duqa Caasumada Puntland ee Garowe Mudane Ahmed Said Muse (Ahmed Barre) iyo Guddiga sare ee Ururka oo ka qayb galay shirka dib u eegista Mashruuca Horumarinta Degmooyinka UNJPLG oo ay qayb ka ahaayeen Wasaradaha Dowladda Puntland u qaabilsan adeeg bixinta, Gudoomiyayaasha Gobolada iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka, shirkan oo qorshihiisu yahay inuu socdo labo maalmood ayaa looga doodi doonaa waxyaabihii u qabsoomay Degmooyinka labadii sano ee u danbeesay.

Ururka Dowladaha hoose ee Puntland oo ah Urur markasta u taagan matalaada, u qareemida iyo kor u qaadida tayada adeeg bixinta Degmooyinka ayaa shirka uga qayb qaatay soo jeedin dhamaystiran oo muujinaysay waxqabadkii, guulihii iyo caqabadihii kahor yimid ururka mudadaas ururka oo muujiyay sida ay uga go’antahay In degmooyinku helaan tabobaro ku filan oo u sahli kara bixinta adeegyo tayo leh oo dhamaan bulshadu si siman uga faaidaystaan.

Garowe: 28 – 29 June 2022: ALGAPL Board members attended the UNJPLG review meeting, which is held annually to share accomplishments, challenges and the way forward.

At the review, representatives of the government sector, district mayors, and regional governors discussed their roles in ensuring the success of the program in their respective districts.

The association of local Government authorities of Puntland is an organization that has always been committed to representing, advocating and improving the quality-of-service delivery in the districts; the association participated in the conference with a comprehensive presentation outlining the activities, achievements and challenges faced by the organization from the period Jan – June 2022.

The association further emphasized the importance of the municipalities play a vital role enabling communities participate in decision making and have equitable access to basic services.

Leave a comment

This website uses cookies to improve your web experience.