KULANKA GUDDIGA LA TALINTA SARE EE MASHRUUCA DANWADAAG
Garowe: 4 July 2022: Ururka Dowladaha Hoose ee Puntland (ALGAPL) ayaa Garowe ku qabatay kulankii ugu horeeyay ee Guddiga hagidda iyo latalinta mashruuca DANWADAAG, Kulanka ayaa sanadkiiba labo mar dhici doona ujeedkiisuna yahay in Guddiga hagidda iyo latalinta mashruuca ay dib u eegis ku sameeyaan waxyaabihii u qabsoomay mashruuca sanadkii lasoo dhaafay, ka doodaan caqabadihii jiray iyo xalkooda sidoo kalena ansixiyaan qorsha howled ka sanadka cusub.Gudoomiyaha Ururka Dowladaha Hoose ee Puntland (ALGAPL) ahna Duqa Caasumada Puntland ee Garowe mudane Ahmed Said Muse (Ahmed Barre) oo kulanka ka hadlay ayaa xoojiyay muhiimada ay leedahay in dhamaan Hay’addaha ka shaqeenaya mashruucan DANWADAAG ay si wada jir ah isaga kaa shakadaan ugana shaqeeyaan gaarista ujeedka mashruucan oo ah yaraynta khataraha ka dhasha musiibooyinka dabiiciga ah.


