URURKA OO U QABTAY KULAN AQOON IS WAYDAARSI EE U DHAXEEYA GOLAHA SARE EE URURKA (ALGAPL BOD)
Qardho: 3 – 4 October 2022: Ururka Dowladaha Hoose ee Puntland (ALGAPL) oo kaashanaya Ururka Dowladaha Hoose ee Netherlands (VNG) ayaa tabobar labo maalmood socday ugu qabtay Degamda Qardho Xubnaha Golaha Sare ee Ururka Dowladaha Hoose ee Puntland, Tabobarkaas oo ujeedkiisu ahaa in Gudoomiyayaasha Degmooyinka ee xubinta ka ah Golaha Sare ee Ururka ay si qotodheer uga doodaan sida ugu haboon ee looga hortagi karo, laguna yarayn karo khataraha ka dhasha musiibooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqda.Shirkan oo socday labo maalmood ayay Gudoomiyayaasha Degmooyinku isku raaceen qodobada soo socda;
1. In qorshayaasha degmooyinka ee shanta sano loona yaqaano DDF lagu daro qayb gooni u qusaysa maaraynta masiibooyinka iyo adkaysiga iyodoo ay musiibooyinku noqdeen kuwo soo noqnoqda xili isbadalka cimiladu uu dhabyahay.
2. In degmooyinku ay soo kordhiyaan qayb /unit u gaar ah maaraynta musiibooyinka isla markaana la qeexo shaqada iyo jaantuska qaybtaas ee heer degmo.
3. Xubnaha Golaha Sare ee Ururka oo isku raacay in la qabto kulamada noocan oo kale ah ee la xiriira maaraynta musiibooyinka sanadkiiba labo mar.
4. Gudoomiyayaasha Degmooyinka oo isku raacay in la dardar galiyo shaqoyinka horutabinta leh ee Ururka si loo xaqiijiyo himilooyinka Ururka.Gardo: 3 – 4 October 2022:


