URURKA DOWLADAHA HOOSE EE PUNTLAND AYAA U QABTAY DEGMOOYINKA PUNTLAND AQOON IS WAYDAARSI U DHAXEEYA DEGMOOYINA OO KU SAABSAN NIDAAMKA CANSHUURAHA DANABAYSAN
Garowe: 06 – 07 August 2023: Ururka Dowladaha Hoose ee Puntland (ALGAPL), ayaa ka daahfuray magaalada Garowe Tabobar iyo aqoon is waydaarsi ku saabsan Canshuuraha danabaysan iyo Nidaamka maamulka iyo maaliyada ee (FMIS) ee laga hirgaliyay qayb ka mid ah Degmooyinka Puntland.Kulankan oo ay kasoo qayb galeen Agasimahayaasha waaxyaha Maamulka iyo Maaliyada iyo Madaxa biilasha ee Degmooyinka Goldogob, Galkacyo, Burtinle, Garowe, Eyl, Qardho, Bayla, Badhan, Buuhoodle iyo Degmada Bosaaso, oo ah Degmooyinka sida tijaabada ah looga hirgaliyay nidaamka Nidaamka maamulka iyo maaliyada ee (FMIS).Agaasimaha fulinta ee Ururka Dowladaha Hoose ee Puntland (ALGAPL) Nuur Maxamed Maxamuud oo ka hadlay furitaankii tababarkaan ayaa kaqaybgalayalaasha tababarka y sheegay muhiimada tababarkaan isagoo ka codsaday inay sifiican uga faa’iidaystaan, sidoo kale agaasimuhu wuxuu sheegey in ay qorshaynayaan in degmooyin kale oo Puntland ay ka faaiidaystaan tababarada iyo howlaha ururka Dawladaha Hoose ee Puntland.Gudoomiyaha Degmada Burtinle ahna Gudoomiye kuxigeenka Ururka Dowladaha Hoose ee Puntland (ALGAPL) Sayid Maxamuud Xirsi ayaa isna ka hadlay furitaankii tababarkaan. Maxamed Maxamuud Cali (Goojacade) Agaasimaha Waaxda dawladaha hoose ee wasaaradaha arimaha gudaha Puntland sidoo kalena matalayey agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha Gudaha ayaa si rasmi ah ufuray tababarkaan waxaana uu kula dardaarmay ka qaybgalayaashu inay si fiican uga faa’iidaystaan tababarkaan muhiimka ah. Ujeedka Kulanka ayaa ahaa in Degmooyinka ay wadaagaan khibradooda ku saabsan Nidaamka FMIS, Caqabadiihii ay wajaheen intii ay ku gudo jireen fulinta nidaamka, Faiidooyinka ay ka dhaxleen System hadii ay ahaan lahayn, diyaarinta misaaniyada sanadlaha ah ee Degmada, Dalicida kharashaadka iyo biilasha, aruurinta canshuuraha sida Guryaha, Ganacsiga iyo Dhulka.


