Shirka Golaha Sare ee ALGAPL
Garowe: 3 – 5 May 2022: Ururka Dowladaha Hoose ee Puntland (ALGAPL) oo qabtay shirka Golaha Sare ee Ururka, shirkan oo sanadkiiba sadex mar dhaca ayaa ujeedkiisu yahay in looga hadlo arimaha muhiim ka u ah horusocod ka ururka, lagu xaliyo caqabadaha taagan, laguna an sixiyo dhamaan shuruucda iyo habraacyada ururka iyo degmooyinka sidoo kale shirkan ayaa lagu qorsheeyaa noocyada tabobar iyo taageero ay u baahanyihiin degmooyinku.
Ujeedooyinka shirka waxaa ka mid ahaa in lasoo dhoweeyo dhamaan gudoomiyayaasha la doortay/magacaabay ee qaybta ka ah Guddiga Sare ee ururka, lalana wadaago warbixin kooban oo ku saabsan Ururka dowladaha hoose iyo dhamaan shuruucda iyo habraacyada uu leeyahay Ururku.
Waxaa kaloo mudadii shirku socday lagu ansixiyay qorshe howleedka ururka iyo miisaaniyada sanadka 2022.
Mudadii shirku socday Guddiga Sare ee Ururku wuxuu isla qaatay wakhtiga ku haboon ee la qaban karo shirwaynaha ururka (General Assembly) oo sanadkiiba hal mar la qabto oo ay kasoo qayb galaan dhamaan degmooyinka puntland, shirkaas oo lagu doorto hogaanka ururka, laguna ansixiyo dhamaan qorshayaasha ururka.
Gabogabadii shirka waxay isla qaateen Guddiga Sare ee Ururku in la dardar galiyo shaqooyinka ururka, lana xoojiyo iskaashiga Dowladaha Hoose iyo hay’addaha bah-wadaagta la ah Ururka.
Garowe: 3 – 5 May 2022, ALGAPL’s Board of Directors met in Garowe to discuss and approve the association’s current plans, including but not limited to its annual budget and work plan. The aim was to accelerate the smooth progress of the association to achieve the set goals.







