KULANKA GUDDIGA LA TALINTA SARE EE MASHRUUCA DANWADAAG
Garowe: 8 May 2023: Ururka Dowladaha Hoose ee Puntland (ALGAPL) iyo Ururka Dowladaha Hoose ee Netherland (VNG International), ayaa si wadajir ah u qabtay kulan ujeedkiisu ahaa in lagu aasaaso Guddiga hagidda iyo latalinta mashruuca Sustainable Development through Improved local governance (SDLG), Mashruucan oo ay maalgalinayso Wasaarada arimaha Dibada Netherlands ayaa si gooni ah uga shaqeen doona dhaqaalaha loo dhanyahay (Inclusive local economic development), Mashruucan oo wajigiisa kowaad laga fulin doono degmooyinka Garowe iyo Gardo ayaa ujeedkiisu yahay in wax looga qabto harumarinta dhaqaalaha maxaliga ah, iyadoo si gooni loo taageeri doono dhalinyarada iyo haweenka ku nool degmooyinkaas, waxyaabaha ugu muhiimsan ee mashruucu wax ka qaban doono ayaa ah inuu taageero haweenka haysta ganacsiga yaryar iyagoo markaas la siin doono lacago si ay u horumariyaan ganacsiyadooda, sidoo kalena dhalinyarada oo laga taageeri doono in ay helaan xirfado kala duwan oo ka caawiya in ay xal u helaan dhibaatada shaqo la’aan ee jirta.Kulanka oo ahaa kii ugu horeeyay ayaa sanadkiiba labo mar dhici doona ujeedkiisuna yahay in Guddiga hagidda iyo latalinta mashruuca ay dib u eegis ku sameeyaan waxyaabihii u qabsoomay mashruuca mudaduu socday, ka doodaan caqabadihii jiray iyo xalkooda sidoo kalena ansixiyaan qorsha howleed ka sanadka.


