Skip links

DAAHFURKA MASHRUUCA DHAQAALAHA LOO DHANYAHAY ”SDLG PROGRAM”

Garowe: 19 Oct 2022: Ururka Dowladaha Hoose ee Puntland (ALGAPL) oo kaashanaaya Ururka Dowladaha Hoose ee Netherland (VNG International), ayaa ka daahfuray Magalada Garowe Mashruuca Dhaqaalaha Loo dhan yahay Inclusive Local Economic Development (ILED) oo ay maalgalinayso Wasaarada Arimaha Dibada Netherlands, Mashruucan oo socon doona mudo Afar sano ah ayaa Ujeedkiisu yahay in kor loo qaado aqoonta iyo xirfada shaqaalaha dowladaha hoose ee Degmooyinka sida tijaabada ah looga fulinaayo Mashruuca ee Garowe iyo Qardho iyo sidoo kale dhalinyarta si guud.Wuxuu kaloo mashruucu si aan toos ahayn uga fuli doonaa Degmooyinka kale ee Puntland iyagoo caawimaad ka heli doona Ururka Dowladaha hoose ee Puntland (ALGAPL).Mashruucan oo ka fuli doona labada degmo ee kala ah Garowe iyo Qardho waxaa iska kaashan doona fulintiisa Ururka Dowladaha Hoose ee Puntland (ALGAPL) iyo Ururka Dowladaha Hoose ee Netherlands (VNG INTERNATIONAL)

Leave a comment

This website uses cookies to improve your web experience.