KULAN AQOON IS WAYDAARSI OO U DHAXEEYA URURKA DOWLADAHA HOOSE EE PUNTLAND IYO WASAARADA ARIMAHA GUDAHA EE DOWLADAHA XUBANAHA KA AH DOWLADDA FEDERALKA SOMALIA
Garowe: 5 July 2022: Hogaanka Ururka Dowladaha Hoose ee Puntland (ALGAPL), ayaa maanta ku qaabilay xafiiska Ururka wafti ka socday Wasaaradaha Arimaha Gudaha Dowladda federalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah iyo xafiiska madaxwayne ku xigeenka Dowladaha xubanaha ka ah Dowlada federalka oo u joogay magalada Garowe aqoon is waydaarsi dhex mara labada wasaaradood.Hogaanka Ururka ayaa warbixin kooban ka siiyay waftiga ujeedka ururka loo aasaasay, qaab dhismeedka ururka, shuruucda iyo habraacyada ururku ku shaqeeyo iyo shaqooyinka ururku u qabto degmooyinka.Kulanka oo socday mudo kooban ayaa kusoo dhamaaday guul.


